Nuruddin Farah interview at the Commonwealth Club of California, 2007
Suugaan by Yaasmiin Kaahiin.
The Rageh Omaar Report:From Minneapolis to Mogadishu.
Inside Story - Somaliland vs Somalia.
Daawo Hadal-kooban oo Jini Boqor Siiyey BBC-Somali Section.
Talk to Jazeera - Meles Zenawi.
Report From Somalia.
Somali Culture Festival Posters.
Waayihii Soomaaliya". Waa Buug Cusub.
SOMALI LINKS
Alhikma-Radio
Allgalgaduud
Alshahid
Aminarts
Badbaado
BBCSomali
Boocame
Calanka
CSMD
Dalka News
Dillapress
DJibouti-Centre
Garoweonline
Gedonet
Geeska-afrika
Goob-joog
Halgan
Hanoolaato
Hiiraan
Horn-Afrik
Horseed
Horyaal Software
Inside-Somalia
Jaallesiyaad
Kulanka
Laasqoray
Maankoris
Maaryaa
Magan-Tahir
Markacadeey
Minicab-london
Mogadishu-University
Mohameddiini
Nomad
NTA
Onkod
pulutin
Shabelle
SMC
Somalia24
Somalichannel
Somalieye
Somaliherald
Somalimirror
Somalistudentassociation
Somalitalk
Somaliweek
Somaliweyn
SOMTV
Somtvfilms
VOA
Wardheernews
NON SOMALI LINKS
Africafocus
Alhayat
Aljazeera
AllAfrica
Alquds
Amnesty
APA
Arabnews
Asharqul-Awsat
Daily-Nation
FPM
France24
HRW
ICG
NY-Times
Presstv
Reuters
Shabait
Sudantribune
The Gaurdian
UN
USATODAY
Walta
Washington-Post
WN
Faallo ku saabsan heshiiska ASWJ iyo DFKMG. By Dr. Maxamud M. Culusow.
sawir
sawir

Febraayo 27, 2010



 


Heshiiska  ay Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca (ASWJ) iyo Dowladda Federaalka KMG (DFKMG) ku gaareen Magaalada Addis Ababa, Ethiopia horraanta Bisha Maarso 2010 waa amar ka soo baxay Dowladda Ethiopia oo ah dal ay DFKMG iyo ASWJ ku tiirsan yihiin. Duruufta ka taagan Soomaliya ayaa dad ujeedo gaar ah leh ku qancisay in Ethiopia tahay Taliyaha  Guud  ee Soomaliya halka ay Ethiopia iyo Soomaaliya kala yihiin labo dal oo daris ah oo ay ka dhexeyso maslaxad, tartan iyo farqi.


Talada Soomaliya waxay gashay gacanta Ethiopia kaddib markii Soomaliya ay noqotay dal aysan ka jirin dowlad rasmi ah, una qaybsantay Somaliland, Puntland, ASWJ, DFKMG, Al Shabab, Hizbul Islam (HI), isla markaana ay soo baxeen Shakhsiyad diyaar u ah inay dhaxal guuriyaan Ummadda Soomaliyeed aragtidooda shakhsi darteed. Soomaliya waxay qarka u saaran tahay in lagu daro Ethiopia sida ku dhacday Soomali Galbeed (Kilinka 5) iyo Eritrea 50 sano ka hor, haddii aysan Soomalidu la imaan talo wadajir ah inta ka horreysa 1da Lulyo 2010.


Tahlukadaas waxaa marmarsiiyo xooggan siinaya talaxumada iyo xadgudubyada ka baxsan Maslaxadda Ummadda Soomaliyeed oo Al Shabab iyo Hizbul Islaam la soo shaac baxeen, kaddibna dhiirrigeliyay dano isku dhafan ee shisheeye oo ay adag tahay si loo fahmo, loogana guuleysto.


Ujeedooyinka muuqda ee heshiiska  waxaa ka mid ah:


(1)   In la fuliyo go’aanka shirkii IGAD ee  30kii  Jeennaayo 2010.


(2)   In isbeddel lagu sameyo Golaha Wasiirrada DFKMG.


(3)   In la baabi’iyo ASWJ, kana mid noqoto DFKMG.


(4)   In la aqoonsado, loogana mahadceliyo Dowladda Federaalka Ethiopia dadaalkeeda joogtada ah ee ay ugu jirto “Nabad” ka dhalinta Soomaliya.


Ujeedooyinka kale ee heshiisku ka tarjumayo ama ku hoos lammaan waxaa ka mid ah:


(1)   In xalka iyo maareynta talada iyo siyaasadda Soomaliya looga dambeeyo Dowladda Ethiopia.


(2)   In Soomalidu mashquul ku ahaato Dowladnimo iyo guluf dhalanteed ah.


(3)   In laga dhex abuuro kooxaha Soomalida khilaaf muujya damiir la’aan iyo garasho-xumo.


(4)    In la abuuro dareen ah in Beesha Caalamka iyo Ethiopia ay qaaden taallaabo wax looga qabanayo  dhibaatada  Soomaaliya si indhaha looga jeediyo barakaca iyo burburka ka dhashay fulinta Istratejiyada lagu dhaqaaqay laga soo bilaabo 2005.


Guuxa ka soo baxaya labada dhinac wuxuu muujinaya rajo-xumo. Koox ka mid ah ASWJ ee joogta Muqdishu waxay ku dhawaaqday inaysan qayb ka aheyn heshiiska, hase yeeshe ay ka mid yihiin DFKMG oo heshiiska  dhinac ka ah. Koox kale waxay ku dhawaaqday dhismaha Dowlad Goboleed cusub.


ASWJ waxay doorbideysa:


(1)   Inaysan ku biirin DFKMG oo ay ahaato xoog iyo awood siyaasadeed oo gooni u taagan.


(2)   In beesha caalamka toos u taagerto ASWJ.


(3)   In ASWJ noqoto koox ka xoreysa  dalka AL Shabab iyo Xizbul Islaam.


DFKMG waxay jeceshay:


(1)   In ASWJ la burburiyo, laga adkaado ama hoos timaado xukunka DFKMG.


(2)   In Beesha Caalamka aysan si toos ah u taagerin ASWJ.


(3)   In Al Shabab iyo Xizbul Islaam aan laga adkaan ilaa dhammadka waqtida DFKMG.


Tiro xilal Wasiirro iyo Saraakiil ah ayaa loo qoondeyay ASWJ. Lama yaqaan tirada Golaha Wasiirrada iyo Saraakiisha Dowladda ee la qaybsaday. Golaha Wasiirrada hadda dhisan wuxuu ka kooban yahay 39 Wasaaradood.  Xubnaha ASWJ uga mid noqonaya Golaha Wasiirrada waxaa lagu xulaya hab beeled, waxayna u hoggansami doonan Axdiga KMG ayagoo matalaya beelaha ay ka soo jeedaan.


Jiritaanka ASWJ waxay ku eg tahay  marka la  qabto xafladda heshiiska inkastoo Dowladda Ethiopia ay mar hore ku boorisay Beesha Caalamka, DFKMG iyo ASWJ dhaqan-gelinta hesiiska. Wasaaradaha Dowladda waxaa loo qaybiyay darajooyin kala ah A,B, C, waxaana heshiisku tilmaamaya in muddo 30 maalmood ah lagu mideeyo DFKMG iyo ASWJ. 


Heshiisku ma qorayo shardi ah in Barlamaanka Dowladda Federaalka iyo Golaha Hoggaamiya ASWJ ansixiyaan ka hor dhaqan gelintiisa. Isla markaa, heshiisku  ma qorayo in wax laga beddelo Axdiga KMG ah si loo qeexo kooxaha wadaagga ku ah DFKMG sida ARS-D, ASWJ, DFKMG-Abdullahi Yusuf iyo HI-M. Waxay su’aal ka taagan tahay in xubnaha Barlamaanka iyo Dowladda ka tirsan yihiin kuwo matalaya beelahooda ama ururrada ay xilalka ku qaateen.


Inkastoo ujeedooyinka heshiiska lagu sheegay in lagu xoojinayo kartida dowladda, Qaybta Af Soomaliga  ee Idaacadda Codka Mareykanka (ICM) waxay si qotadheer uga hadashay khilaaf aad u ba’an ee ka dhex taagan ASWJ kaddib markii wareysi lala yeeshay aqoonyahanno iyo dad xog ogaal lagu tilmaamay haseyeeshe aan intooda badan magacyadooda la shaacin. Sida darted, waxaa mugdi weyn ku jiraa sida ASWJ ay ICM tilmaantay ay u xoojin karto tayada DFKMG.


Dhinaca kale, waxaa soo shaac baxaya in Dowladda Federaalka KMG ay aad uga welwelsan tahay heshiiska. Dowladda Ethiopia oo welwelkaas xog ogaal u ah, horeyna Madaxweyne Sheikh Sharif uga hadlay, waxay ku boorisay Madaxda DFKMG inay heshiis  la galaan ASWJ. Ma cadda sababta Dowladda Federaalka uga welwelsan tahay heshiiskaas lagu xoojinayo wax qabadkeeda laguna ballaarinayo deegaannada ay magac ahaan uga taliso. Dowladda Ethiopia xiriir toos ah ayey la leedahay dhammaan kooxaha iskhilaafsan iyo maamul goboleedyada.


Aayaha Soomaliya waxaa ku hardamaya ASWJ, DFKMG, AMISOM, Maamul Goboleedyo, Ethiopia, AL Shabab, Xizbul Islaam, Eritrea, AL Qaeda iyo Beesha Caalamka oo Dowladda Mareykanku hogaamineyso. Kooxdaas waxaa dhex boodaya Soomali darajo  iyo maal doon ah dariiqo kasta, Qurbajoog dhowr shaati gashan, Qabiilooyin iyo islaamiyiin is nacay, iyo Wakiillada deeq bixiyayaasha ee jooga Nairobi, Kenya.


Shacabka Soomaliyeed intiisa badan wuxuu taageray halgan ku saleysan difaaca diinta Islaamka(Jumlo ahaan), Madaxbannanida iyo Maslaxadda Ummadda Soomaliyeed, xorriyada qofka, sinnaanta xaqsoorka dadka iyo la dhaqanka bulshada caalamka ah, mana qabo inay taagereen gacan-ka-hadalka ka taagan xuska Nabigeenna Maxamed (SCW), burburinta Qabuuro iyo ka takoorid Soomaliya Adduunka intiisa kale. Fikradda ah dhaqan-rog bulsho waxaa hadda ka hor ku dhaqaaqay kooxdii Khameruuj (Khmer Rouge) oo ka talineysay dalka Kamboodiya (Cambodia) 1975-1979 oo sababay xasuuq dad gaaraya ilaa 1.7 milyan oo u dhintay gaajo, cudurro, harraad iyo xabbad. Kambodiya waxaa ku nool Musliim Sunni ah oo dhibkaas ku dhacay.


Heshiiska  dhexmaray ASWJ iyo DFKMG ah waa guul ay gaartay Ethiopia.  Waxaan muran ku jirin in gacanta wax fulineysa iyo dadka iyo dalka la gumaadayo ay wada yihiin Soomali marka laga reebo dhibaatada Ethiopia iyo AMISOM ay geysteen ama geysanayaan si toos ah, hase yeeshe danta loo adeegayo waa mid shisheeye oo ujeedooyin kala duwan leh.


 


Mustaqbalka Soomaliya waxaa iska leh oo wadaaga Muwaadiniinta Soomaliyeed oo laga doonayo inay si wadajir ah dhiigooda ugu difaacan Maslaxadda iyo mustaqbalka dadkooda iyo dalkooda. Soomali dhexdeeda ka wada hadasha ayaa looga gudbi karaa hagardaamo shisheeye iyo khilaafyada gudaha.


 


mohamuduluso@gmail.com


 


 


 


Email : - [2010-02-27]
The views expressed in this article is the sole responsibility of the author and do not necessarily reflect the view of Mahiigaan.
Email : Mahiigaan82@gmail.com
Copy right © Mahiigaan News Online 2007- 2010 powered by Horyaal Software Solutions