|
Daabacaadda lacagaha cusub iyo saamaynta ay ku yeelan karto dhaqaalaha Soomaaliya - Qaybta-1aad
Saciid Cali Shire
In kastoo hadal haynta daabacaadda lacagta cusubi la soo bilaabmatay dawladda cusub ee ku meelgaarka ah (TFG), haddana ka dhabaynta arrintaasi waxay soo if baxday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay markii xubno ka mid ah xukuumaddu warbaahinta u xaqiijiyeen in hawshaasi meel fiican marayso. Marka laga reebo waraysiyo dhowr ah oo u badan qaylo dhaan, dhaliillo iyo difaac maahee ma jiraan daraasado cilmiyaysan oo ku aadan daabacadda lacagta cusub iyo wixii dhib ama dheef ay dhabarka ku wadato oo ay soo bandhigeen xukuumadu. Dhinaca kale waxaa muuqata in qaar ka mid ah ragga ugu aqoonta iyo waaya’ragnimada badan nidaamka maliyadeed iyo bunuugta Soomaaliya, sida Bashiir Ciise, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyo dhaqaale yahanno kale oo dhowr ihi ay ka digeen daabacaadda lacagtaas.
Qoraalkan kooban, oo idanka Eebe, iba-fur u noqon doona qoraallo dhowr ah oo aan ku qaadaa dhigi doonno daabacaadda lacagta cusub iyo wixii waxyeelo iyo wax tar ay u yeelan karto dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuu wax ka iftiiminayaa ujeeddada ka danbaysa daabacaadda lacagta cusub.
Dhowr jeerba lacag cusub waa la daabacaa: marka waddan ka soo kabto bur-bur dhaqaale sida sicir-bararka; marka waddan ka guuro nidaam una guuro nidaam kale; iyo marka sare loo qaadayo tayada lacagta.
Haddaan ku hormarno arrinta koowaad, waxaan leenahay, marka waddan ka soo baxo bur-bur dhaqaale,sida sicir barar iyo wixii la mi d ah, waxaa badanaa la daabacaa lacag cusub. Ahmiyadda ka danbaysa daabacaadda lacagta cusubina waa in dib loo soo celiyo kalsoonida shacabku ku qabo lacagtaas. Sicir-bararku wuxuu keenaa in dadku ka guuraan lacgtaas oo u guuran lacago kale (sida doolarka) ama ay lacagtooda geliyaan hanti ma guurto ah. Si haddaba loo soo celiyo kalsoonidii, waa in la sameeyo lacag cusub. Ahmiyadda labaad oo ka danbaysa daabacaada lacagta cusub iyana waxay salka ku haysaa in la beddello qiimaha lacagta. Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa, marka sicir bararku jiro in bangiyadu daabacaan warqado qiimohoodu aad u sareeyo, sidii Soomaliya ka dhacday 1989-kii iyo 1990-kii markii la daabacay 500 iyo 1000 shilin Soomaaliga, Zimbabwe ka socotay kal hore ama waddamo badan oo caalamka ah ka socotay ka dib dagaalkii 1aad iyo 2aad ee adduunka. Marka sicir-bararka laga soo baxayo oo waddanku ka soo kabanayo waxa ugu horeeya oo la sameeyo waa in lacagaha laga tir-tiro qaar ka mid ah eberada faraha badan. Meesha markii hore ay jireen warqado qiimohoodu yahay balaayiin, lacagaha cusubi waxay noqdaan lacago qiimohoodu yar-yahay.Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa in Zimbaabwe si ay ula dagaalanto sicir bararka ay bilowgii sanadkii hore daabacday lacago cusub oo qiimohoodu ka yar-yahay marka loo fiiriyo kuwii hore (tusaale ahaan meesha markii hore ay jireen warqado ay ku qoran yihiin 100 bilyan oo doolarka Zimbabwe ah, hadda waxaa lacagahooda ugu badan 100 kun).
Arrinta labaad oo iyana keenta in lacag la daabaco waxay timaadaa marka laga guurayo nidaam oo loo guurayo nidaam kale. Arrintaan dhowr jeerba waa dhacdaa: marka isbeddel ku yimaado nidaamka dawliga ah ee waddan sida marka boqor ama madaxweyne xukunka laga qaado, marka dawladi xornimadeeda dib u hesho iyo marka dal kala ja-jabo. Tusaale ahaan, markii Sadaam Xuseen, madaxweynihii hore ee Ciraaq, xukunka laga qaaday, khasab ayay ahayd in la daabaco lacag cusub oo uusan ku sawirnayn madaxweynihii hore. Sidoo kale, markii Soomaaliya xornimada qaadatay khasab ayay ahayd in la beddelo lacagtii daakhiliyada ee la oran jiray Somalo oo la daabaco lacag cusub. Waxaa taas iyana la mid ahayd markii la qoray af-Soomaaliga oo loo baahday in lacagta cusub lagu qoro af-Soomaali.
Waxay sidoo kale arrintaani dhacdaa marka waddan ka guurayo nidaam maaliyadeed oo u guurayo nidaam kale. Tusaale ahaan, markii waddammada yurub qaarkood ku midoobeen lacagta cusub ee euro-da, khasab ayay ahayd in la daabaco lacag cusub. Bur-burkii ku dhacay Midowgii Soofiyeetka waxaa sidoo kale ka dhashay in waddan kasta samaysto lacag cusub. Waxaa iyana arrintaas la mid ah gooni-isu-taagga Soomaaliland.
Ugu danbayn, waxaa lacag cusub la daabacaa marka wax laga beddelayo tayada warqadda lacagta lagu daabaco ama lagu darayo waxyaabo ay adag tahay in la guuriyo (koobiyeeyo). Sida qaalibka ah, warqadaha laga sameeyo lacagaha waxaa laga sameeyaa waxyaabo ka duwan waxyaabaha laga sameeyo warqadaha caadiga ah. Waxaa sidoo kale lagu dhex daraa waxyaabo muuqda iyo waxyaabo aan si toos ah u muuqan oo ay adagtahay in mashiinada caadiga ah soo saaraan. Tusaale ahaan, lacagaha intooda badani waxay leeyihiin dun (threads) dhex marsan meelaha qaarkood, sawir aan si toos ah u muuqan in la hoos dhigo nal ama qoraxda lagu fiiriyo maahee (watermark), midabo ay adagtahay in mashiinada caadiga ah daabacaan sida qalin, cagaar khafiif ah, iwm.
Markasta oo tiknoolojiyadu horumartoba waxaa macquul noqota in qof caadi ahi awoodi karo in uu soo iibsado ama isaguba sameeyo mashiin awood u leh in uu sameeyo lacago 90-99 % aan laga sooci karrin lacagtii asalka ahayd. Si arrintaas looga hortago, dhowrkii sanoba, dib ayaa loo daabacaa qaar ka mid ah lacagaha iyadoo mar kasta lagu kordhinayo waxyaabo ay adagtahay in mashiinada sayladaha yaallaa sameeyaan. Waddamada qaarkood, sida Ustaraaliya iyo Hindiya waxayba hadda lacagahooda ka sameeyaan caag.
Haddaba aan is waydiinee, sidee loo sharixi karaa samaynta lacagta cusub ee dawladda ku meel gaarka ahi ku dhawaaqday? Ma sida xubno ka mid ah xukuummadu yiraahdeen ayaan ku qanacnaa in ujeeddada tahay in la sameeyo lacag ku daabacan warqado tayo sare leh oo aan la koobiyayn karin; ma waxaan qaadanaa sharaxaadii qaar kale oo xukuumadda ka mid ihi soo bandhigeen oo oranaysay ujeeddadu waa in dadka loo naxariisto oo laga fududeeyo culayska lacagta oo loo sameeyo warqado xanbaarsan qiime sare, 50,000 So. Shilin iwm; mise waxaan dhegta u raaricnaa dareenka naxdinta leh ee dadka qaarkiis ka soo yeeraya oo oranaya ujeeddadu waa in albabada loo laabo wixii ka sii harsanaa qarankii Soomaaliyeed.
Idanka Eebe, qormooyinka danbe ayaan ku lafa-guri doonaa si aan u iftiimino ujeeddooyinka dhabta ah ee ka danbaysa daabacaada lacagta cusuab, sharciyadeeda, iyo saamaynta ay ku yeelan karto dhaqaalaha Soomaaliya.
Saciid Cali Shire
Buuh Consulting Ltd
Raadraac
Daabacaadda lacagaha cusub iyo saamaynta ay ku yeelan karaan dhaqaalaha Soomaaliya – Qaybtii 2aad
Saciid Cali Shire
Qoraalkii hore, waxaan wax ka tilmaannay xilliyada dawladuhu, sida qaalibka ah, daabacaan lacag cusub. Waxaan sheegnay in saddex xilliba la daabaco lacag cusub: marka waddan ka soo kabanayo bur-bur dhaqaale, sida sicir barar; marka waddan ka guurayo nidaam una guurayo nidaam kale; iyo marka wax laga beddelayo tayada warqadda lacagtu ku daabacan tahay. Waxaan sidoo kale sharaxaad kooban iyo tusaalooyinba ka bixinay saddexdaas xaaladood oo keena in la daabaco lacag cusub. Qoraalkan koobani, isagoo ka duullaya waxyaabihii aan ku qaadaadhignay qoraalkii hore ayuu oddoros ku samaynayaa saamaynta lacagaha cusubi ku yeelan karaan dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya.
Inta aynaan oddoroska u gudbin, waxaa muhiim ah in aan maskaxda ku hayno, sida xubnaha u hadlay xukuumaddu sheegeen, in waxa la daabacayaa tahay lacag cusub - muuqaal ahaan iyo qiime ahaan labadaba. Dhanka muuqaalka waxaa sabab looga dhigay in la yareeyo ama gebi ahaanba meesha laga saaro in lacagtaas cid aan dawladda ahayni daabaci karto. Dhanka qiimahana waxaa sabab looga dhigay in dadka laga yareeyo cullaabta, oo loo sameeyo lacag fudud oo ay jeebka ku qaadanb karaan.
Haddaan ku hormano xujadda hore, oo xubnaha ka tirsan xukuumaddu ku andacoodeen, waxaan leenahay, la dagaallanka daabacaadda lacagaha been-abuurka ah (counterfeit money) waxaa ku guulaysan waayey waddammada ugu waaweyn adduunka. Tusaale ahaan, daraasad Bangiga Dhexe ee Maraykanku (Federal Reserve) daabacay 2008-dii ayaa muujisay in wax ka badan 5% lacagta doollarka Maraykanka ee adduunka dhex mushaaxaysa ay tahay lacag been-abuur ah. Sidoo kale, sanad walba hay’adaha sirdoonka, hay’adaha maaliyadda iyo bangiyada waddankaasi waxay gacanta ku dhigaan lacago been-abuur ah oo ka badan hal bilyan oo doolar ($ 1 billion); la dagaalanka lacagta been abuurka ah waxaa u xilsaaran hay’ado gaar u ah oo leh miisaaniyad garaysa 700 milyan ($700 million); sanad walbana bangiga dhexe iyo hay’adaha kale ee maalliyaddu waxay kharash gareeyaan lacag ka badan 4 bilyan ($4 billion) si loo sameeyo muuqaallo aan si sahal ah loo koobiyayn karin iyo qalab iyaga gaar u ah.
Lacagta been-abuurka ahi (counterfeits) dhibaato kuma hayso waddanka Maraykanka oo kaliya, Ruushka, wax ka badan 8% lacagta wareegaysa waa lacag been-abuur ah; Ingiriiska waxaa la qiyaasaa in 1.5% lacagaha qaarkood sida labaatanka gini (£20) yihiin kuwo been-abuur ah; lacagta Euro-da oo ah lacag cusub oo laga isticmaalo 12 waddan oo yurub ahna mar hore ayaa loo sameeyey kooxo u gaar ah dabagalka lacagaha been-abuurka ah. Lacagta been-abuurka ahi waxay waddammada qaarkood, tusaale ahaan Kanada (Canada) ku kaliftay in ay dib u daabacaan lacagtii waddankooda oo dhan.
Asbaabaha ugu weyn ee keenay in waddammada horeumaray xal u waayaan la dagaalanka lacagta been-abuurka ahi waxay salka ku haysaa saddex arrimood: (1) lacagta been abuurka ah oo marar badan ay ka danbeeyaan waddamo iyo hay’ado waaweyn; (2) horumarka tiknoolojiyada; (3)iyo hoos u dhac ku yimid anshaxa (ethics) iyo qiyamka (values) qaar ka mid ah hay’adihii loo abuuray la dagaalanka iyo hay’adaha ku shaqada leh soo saaritaanka lacagahaas.
Haddaan ku hormarno arrinta hore, waxaad arkaysaa in lacagta been abuurka ah mararka qaarkood ay ka danbeeyaan dawlado. Tusaale ahaan, markuu socday dagaalkii sokeeye ee Maraykanka iyo dagaalkii labaad ee adduunka labadaba waxaa dhinacyada iska soo horjeedaa daabici jireen lacago been-abuur ah si ay u naafeeyaan dhaqaalaha dhinaca kale. Sidoo kale, qaar ka mid ah waddammada waaweyn ayaa lacagta been-abuurka ah u isticmaala hub ahaan oo u sameeya mucaaradka ka soo horjeeda dawladahaas, mar-marna dawladahaas naftooda ayaa waddamada qaarkood ku eedeeya in ay daabacaan lacagtooda sida dhowr jeer Maraykanku uu kuuriyada Waqooyi iyo Iiraanba ugu eedeeyey in ay gacan ka geystaan daabacaadda doollarka Maraykanka. Sidoo kale, Hindiya waxay dhowr jeer ku eedaysay Pakistaan in ay gacan muuqata ku leedahay been abuurka loo gaysto lacgteeda. Dhinaca kale, waxaa muuqata in ururada qaarkood, siiba kuwa mucaaradka ah iyo kuwa nidaam-diidka ahi labaduba isticmaalaan lacago been abuur ah si ay u maalgeliyaan hawlahooda.
Arrimaha kale ee keenay in ay adkaato in lala dagaallamo lacagta been abuurka ahi waxay salka ku haysaa horumarka tiknoolojiyada iyo hoos u dhaca ku yimid anshaxa iyo qiyamka hay’adihii loo igmaday in ay la dagaallamaan lacagaha been-abuurka ah. Horumarka tiknoolojiyadu wuxuu keenay in maalinba maalinta ka danbaysa ay suuqa soo galaan mashiino awood u leh in ay soo saaraan warqado tayadoodu sarayso iyo tayo-daabacaad oo aan ka dhicin kuwa dawladaha. Dhinaca kalena, asbaabo la xiriira bur-bur ku yimid qiyamkii iyo anshaxii mujtamca ayaa keenay in, waddammada qaarkood, qaar ka mid ah hay’adihii loo sameeyey in ay la dagaallamaan lacagta been-abuurka ahi ay qayb ka noqdaan daabacaada iyo suuq-gelinta lacagaha been abuurka ah.
Dhinaca Soomaaliya, sida uu soo guuriyey Dalmar (2006), laga soo bilaabo markay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 ilaa laga soo gaaro 2001-dii waxaa la daabacay lacag dhan 595 bilyan oo Shilin Soomaali ah. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in lacag middaas afar jeer ka badan la daabacay intii u dhexeysay 2001-dii – 2007-dii. Lacagahaas laguma daabicin suuq madow iyo mashiino godad dhulka hoostiisa ah ku qarsoon midna. Lacaghaas waxaa daabacay madbacado ku yaalla Galbeedka, sida British American Bank Note oo ku taalla Kanada, iyo kuwo kale oo ku yaalla Indooniisiya iyo Malaysiya. Waxaa lacagtaas soo daabacay ganacsato la yaqaan oo magac iyo maammuus ku leh bulshada dhexdeeda iyo dagaal oogayaal. Sharikaadka daabacaya lacagtaas iyo waddammada lagu daabacayo labaduba waa ka warhayeen in Soomaaliya aysan ka jirin dawlad sharci ah lacagahaasna loo isticmaali doono dagaalka sokeeya. laakiin sida dad badani xaqiijiyeen, waxaa dulaal ka ahaa oo gacan weyn ka geystay daabacaada lacagtaas dawlado cadaw u ah dhaqaalaha Soomaaliya. Dawladahaas ayaa ayaa isku xirayey shirkadaha daabaca lacagta iyo dagaal-oogayaasha, iyagaa warqadda lagu daabaco lacagta u soo gadayey madbacadaha la sheegay in ay yaallaan Soomaaliya gudeheeda, iyagaana gacan ka geysanayey soo daabbulida lacagahaa.
Iyadoo ay jiraan arrimahaas sare oo dhan, haddana waxaa muuqata in lacagaha Shilin Soomaaliga ah ee la soo daabacay wixii ka danbeeyey 2007-dii ay si aad ah hoos ugu dhaceen. Asbaabta ugu weynina ma ahayn dawladdii ku meelgaarka ahayd oo samaysay hay’ado la dagaallama lacagta been abuurka ah, ama la hadashay meelihii lagu soo daabici jiray lacagahaas ama maxkamad soo saartay qaar ka mid ah ganacsatadii soo daabici jirtay lacagahaas. Sidoo kale, hoos u dhacu xiriir lama leh isbeddel ku yimid qiyamkii iyo anshaxii ganacsatadii iyo dagaal-oogayaashii soo daabici jiray lacagahaas. Asbaabta ugu weyn ee keentay in ay hoos u dhacdo ama gebi ahaanba meesha ka baxdo daabacaadii Shilin Soomaaligu waa hoos u dhaca ku yimid qiimaha Shilin Soomaaliga. Tusaale ahaan, sida Dalmar (2006) soo guuriyey ,in la sameeyo 1000 Shilin Soomaali ah waxay ku kacdaa $0.028. Marka, markii qiimaha Shilin Soomaaligu fiicnaa, waxaa dadka soo daabacaa lacagaasi ay ka faa’iidi jireen 300%, laakiin markii sicirkii warqadda wax lagu daabaco sare u kacay, qiimihii Shilin Soomaaliguna hoos u dhacay waxay noqotay in aan wax faa’iido ahi ku jirin.
Haddaba, haddaan dib ugu laabano, xujooyinkii ay soo bandhigeen xubnaha ka tirsan xukuumadu, waxaan oranaynaa, mar haddii waddamada adduunka ugu waaweyn sida Maraykanka, Raashka, Kanada, Hindiya iyo Ingiriisku ay ku guulaysan waayeen in ay sameeyaan lacag aan la been-abuuri karin; ay sidoo kale ku guulaysan waayeen, iayagoo isticmaalaya aqoon, maaliyad iyo tiknoolojiyo casri ah in ay la dagaalamaan lacgtaas been abuurka ah, dawladda ku meelgaarka ah oo aan ka warhayno tabarteeda iyo sumcadeeda ayaa samaynaysa lacag aan la been-abuuri karin waxay leedahay dib ugu noqosho.
Dhinaca kale, mar haddii asbaabta keentay in dadkii soo daabici jiray lacagtaasi ay u soo daabici waayeen sababo la xiriira qiimaha ay ku kacayso daabacaadu (face value) oo ka sareeya qiimaha lacagta, miyaan la oran karin in la dabaacao warqado qiimohoodu yahay 20,000, 50,000 iyo wax la mid ihi waxay dib u soo noolaynaysaa suuqii daabacaada shilin Soomaaliga.
Sidoo kale, meesha xubnaha ka mid ahi xukuumaddu ku doodeen in ay u naxayaan shacabka oo ka kala yaraynayaan cullaabta lacagaha faraha badan, miyaysan ogayn in ay albaabbada u furayaan sicir barar aan la xakamayn karin. Dhinaca kale, xubnahaasi miyaysan ogayn, sida ay isku waafaqsan yihiin fuqahada Islaamka xooggoodu, in daabacaada lacag aan qiimeheeda la ilaalin karin oo horseedaysa sicir-barab, ay tahay xadgudub iyo dadka hantidooda oo xaaraam lagu cuno.
Haddaan soo ururiyo waxaan oranaynaa, daabacaada lacagta cusubi waxay alabaabbada u furaysaa sicir-barar; waxay dhaawacaysaa dhaqaalaha dalka; waxay hoos u dhigaysaa kalsoonida ganacsatada iyo maalgeliyayaashu ku qabaan Soomaaliya; waxay ciriiri-nololeed gelinaysaa nolosha danyarta; waxay horseedaysaa dulmi; waxaa sare u kacaya danbiyada; waxaa gacanta ka baxaya amniga iyo kala danbaynta. Dhinaca kale, maadaama xukuummadu gacanta ku hayso xaafado kooban; dhalliilo iyo ceebo farabadan oo la xiriira maammul xumo, caddaalad daro iyo musuq-maasuq hawada sabaynayaa; ay sii dumayan hay’adihii u xilsaarnaa dhaqaalaha dalka sida bangigii dhexe; siyaasad ahaan dalku maalinba maalinta ka danbaysa u sii kala fur-furanayo miyaan la dhihi karin tallaabada daabacaada lacagta cusubi waa arrin aan si mandaq (rational), cilmi iyo caqli ah midna looga baaraan degin.
Idanka Eebe, qormooyinka danbe ayaan ku qaadaadhigi doonaa sharci ahaanta daabacaada lacagtaas, islaamku wuxuu ka qabo, iyo dhaxalka ay ka tegi karto siyaasad ahaan.
Saciid Cali Shire
Buuh Consulting Ltd |